U bood dhigaalka

Puntland oo Daacish ku duqeysay buuraha gobalka Bari

Sheeko:Amniga

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso buuraha Calmiskaad ee hoostaga degmada Iskushuban ee gobalka Bari ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacay xalay lagu beegsaday fariisimo ay Daacish ku laheyd deegaanka.

Duqeynta oo ah mid culus ayaa socotay illaa subaxnimadii hore ee saaka, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.

Laammaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Daacish ku lahayd halka ay duqaynta ka dhacday.

Sanadihii u dambeyay laammaha ammaanka Puntland  ayaa buuraha Calmiskaad  ka waday hawlgallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish.

Goobjoog News