U bood dhigaalka

Maamulka Puntland: Gaadiidka Ganacsi Ee Ka Yimaada Koonfur Masoo Dhaafi Karaan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya bishan dhammaadka ah ay deegaannadooda ka mamnuuceen inay u gudbaan gaadiidka kala duwan ee ka taga Gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Camey ayaa lagu sheegay in badeecadaha iyo xoolaha ka yimaada Koonfurta lagu kala wareejin doono magaalada Gaalkacyo sababo ay ku sheegeen ammaanka.

Sidoo kale waxaa jirta wareegto kale oo lagu mamnuucay in deegaannada Puntland gaadiidka dhulka lagu geeyo Khaat waxaana lagu amray ganacsatada in Khaatka kasoo degsadaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho.

Gaadiidka kale ee ganacsiga islamarkaana deegaannada Puntland kasoo gala dhanka gobollada Waqooyi iyo Itoobiya ayaa iyaguna lagu amray in Gaalkacyo tagaan si amnigooda loo soo hubiyo balse iyagu lama caddeyn in rarka ay wadaan ay wareejin doonaan sida kuwa Koonfur ka tagey.

Hoos ka akhriso wareegtada

waraaq

Goobjoog News