U bood dhigaalka

Puntland oo Dib u Fureysa Maxkamadaha Xili Weli uu Jiro Cabsida Laga Qabo Covid-19

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa  dib u fureysa maxkamadaha xili weli uu jiro covid-19 waxaa maanta shir ku wada yeeshay xarunta Wasaaradda caafimaadka Puntland masuuliyiinta Wasaraadda iyo Garsoorka Puntland waxaana laga wada hadlay talaabaaoyinka caafimaad ee lagu yaraynayo khatarta cudurka Covid-19 si dib loogu bilaabo adeega Maxkamadaha oo bulshada reer Puntland muhiimad u leh.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay mas’uuliyiinta garsoorka kulanka ay wada yeesheen kaasi oo lagu doonayo in la iskula meel dhigo talaabooyinka caafimaad ee loo baahanyahay in la hirgeliyo inta aan dib loo bilaabin shaqooyinka Maxkamadaha.

Waxaana Agaasimahu uu faray in loo bahan yahay in Maxkamadaha oo shaqadoodu socoto hadana laga hortago in xanuunka safmarka ah ee Covid-19 uu ku fido xarumaha Maxkamadaha oo dad badan iskugu yimaadaan inta badan.

Sidoo waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in hoolka dacwadaha lagu qaadayo la xadido dadka gelaya gudaha sidoo kalena qofkasta la hubiyo inta uusan galin xaaladiisa caafimaad sida in la ogaado qandhada iyo inuu wato afxir (mask) iyo gacmo gashi (gloves) si looga yareeyo khatarta xanuunka.

Guddoomiyaha Maxkamada sare Puntland Nuur Ciise Mohamed ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay kulankaan oo xusay in loo baahanyahay in la ogaado qaabka dib loogu bilaabi karo shaqada garsoorka iyada oo laga fakarayo xanuunka Covid 19.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Garsoorka Puntland uu haayo shaqo adeg, waxaana uu xusay in ka Wasaaradd ahaan ay masuuliyad ka saarantahay inay la socdaan badqabka caafimaad ee cidkasta oo meel iskugu imaanaysa si looga hubiyo inuusan fidin xanuunka Covid-19.

Goobjoog News