U bood dhigaalka

Puntland Oo Diyaarineysa Xeer Ciqaabeedka Ku Saabsan Kufsiga Haweenka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay diyaarinayaan xeer ciqaabeed ku saabsan fal dambiyeedka Kufsiga Haweenka lagula kaco.

Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland oo qabatay shir wada tashi hal maalin ah oo ku saabsan xeerka lagu ciqaabayo dadka gala dambiyada kufsiga ama galmada sharci darrada ah, ayaa talooyin ka dhageystay dadkii kulankaasi ka qeybgalay.

Wasiir ku xigeenka cadaaladda Puntland Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dowlado caalami ah ay ka gacansiiyeen diyaarinta sharcigani, wuxuuna sheegay xeerkaan uu gabagabo ku dhowyahay islamarkaana loo baahan yahay in laga saaro wax walba oo carqalad ku keeni kara marka la horgeeyo golayaasha dowladda.

“Sharcigaan iyo xeerkaan soo baxayo waxa uu noqon doonaa mid lagu dabar goynayo Kufsiga, waxaan is leenahay waxa uu faa’ido u leeyahay bulshadeena, wasaaradda cadaallada waxay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda qofka bini’aadanka ah” ayuu yiri wasiir ku xigeenka

Tani ayaa noqonaysa markii ugu horeysay oo xeer ku saabsan xakamaynta kufsiga ay soo saarto wasaaradda cadaaladda Puntland, wuxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo aan Puntlnd horey uga jirin xeerkaan.

Goobjoog News