U bood dhigaalka

Puntland Oo Eedeysay Hey’ado Ka Been-sheega Tacadiyada Ka Dhaca Maamulka

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdxakiim Xaaji Camey ayaa eedeyn kulul u jeediyey qaar ka mid ah hay’adaha reer galbeedka .

Cabdxakiim Xaaji Camey ayaa sheegay inay jiraan hay’ado sacabka u garaacayo kufsi been abuur ah kuwaas oo haweenka ku qanciyo in dhaqaalo la siin doono ama dibadda la geyn doono haddii ay sheegtaan in kufsi loo geysto.

“Soomaaliya waxaa ka dhacday baryahaan dambe in hay’ado ay sacabka noo garaacaan oo ay yiraahdaan kufsi been ah sheeg oo waxaad tiraahdaa waa la I kufsaday si aan dhaqaalo ama qurbo loogu qaado, ilaahey yaan laga fogaanin “.

Mr. Camey ayaa sheegay inay jiraan dad sheegtay been abuur kufis ah ka dibna baaritaan ay dowladda ku sameysay laguna ogaaday in aan kufis loo geysan kuwaas oo sharciga la mariyey.

“Waa ay dhacday dad aan waxba ku dhicin inay dhahaan gabadheena oo todobo sano jir ah ayaa la kufsaday markii dowladda baartay waxaa la ogaaday inay been tahay fadlan sheega wxii jira balse wixii aan jirin maba jiraanee umadda iyo dowladda aad ku nooshihiin been yaan laga sheegin”.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hadalkaani ka sheegay Ololaha 16 maalmood ee cirib tirka tacadiyada ka dhanka ah haweenka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha haweenka iyo hurumarinta qoyska ee Puntland.

Goobjoog News