U bood dhigaalka

Puntland oo Faahfaahisay Dagaal Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobalka Mudug dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo wararka qaar ay sheegayeen inuu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Duqada gobalkaasi ayaa beeniyay inuu dagaalku u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland balse waxa uu sheegay in maleeshiyaad abaabulan ay weerar ku soo qaadeen xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta dowlad goboleedka Puntland, dadka deegaanka ayaana soo wariyay in xalay gelinkii dambe ay maqlayeen dhawaaqa hub culus.

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur waxaa shaqaaqadaasi ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland iyo shaqsi kale oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaadday waxaana sidoo kale dagaalkaasi ka dhashay dhaawac aan la xaqiijin tiradiisa.

Halka uu ka dhacay dagaalka ayaa xalay gelinkii dambe waxaa gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Puntland kuwaas oo goobta ka bilaabay xaqiijinta amniga iyo sidii ay u xoojin lahaayeen ciidamada weerarka lagu soo qaaday.

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyigeeda waxaa inta badan ka dhaca weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo qarxyo kuwaas oo inta badan lala beegsado masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Goobjoog News