U bood dhigaalka

Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Burcad Dhac U Geysatay Gaari Siday Shixnado Ganacsi iyo Rakaabkii Saarnaa

Sheeko:Amniga

Ciidamada amniga gobolka Karkaar ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay ka dib howlgal qorshaysan in ay soo furtaan gaar xamuul ah oo habeenimadii xalay ay dhac u geysteen kooxo burcad ah oo wadada u galay.

Ciidamada amniga ayaa intii howlgalka uu socday waxaa sidoo kale soo qabteen  sedex ruux kuwaas oo ahaa kooxdii  dhaca u geystay gaari xamuulka ah oo ahaa nuuca Candho Meedka loo yaqaano  iyo rakaabkii saarnaa.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Madaxtooyada magaalada Qardho Cabdi fitaax Warsame Hiirad oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay  kooxda burcada ah ayaa faahfaahiyey ragga burcadka ah ee la soo qabtay isaga oo sheegay in gaariga xalay lagu dhacay inta u dhaxeyso magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee gobolka Karkaar.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada ayaa xusay in gariga iyo alaabtii saarneyd sidoo kale ay soo furteen raggii lagu Gaariga afduubay oo ahaa sedex ruuxna lagu soo qabtay howlgalka  iyadoo dhammaan xabsiga loo dhaadhiciyey .

Howlgalka lagu soo qabtay kooxdaan ayaa waxaa uu gacan ka geysan doonaa in ay yaraadaan kooxa burcada ah ee dhaca u geysta gawaarida xamuulka ah ee sida shixnadaha ganacsi ee u kala goosha inta badan  gobalada Puntland.

Goobjoog News