U bood dhigaalka

Puntland Oo Gawaari Ciidan Ku Wareejisay Galmudug

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug shir looga hadlayo iskaashiga Amniga uga furmay Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyihii hore Booliiska Gobalka Banaadir Saadaq John iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka Puntland.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa Gaawirada nooca dagaalka ah iyo saanad ciidan ku wareejisay.