U bood dhigaalka

Puntland Oo Isku Diyaarineysa Martigelinta Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa isku diyaarinaya martigelinta shirka madasha wadatashiga qaranka, kaasi oo looga hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay Garowe ayaa sheegay in dhamaadka bishan iyo billowga bisha soo socota ee June magaaladaasi lagu qaban doono shirkan.

“Waxaan rajeynayaa in hadda loo gudbo qaabkii loo soo dooran lahaa Labadii aqalka, loona gudbi lahaa doorashadii madaxda oo waqtigeeda lagu qabanayo, Saddexda bil ee soo socota waxaa inoo yaalla shaqo aad u culus oo loo baahan yahay in looga gudbo wadajir iyo midnimo Soomaaliyeed” ayuu yiri Gaas.

22-kii bishan, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne ku meel mariyey heshiiska madasha qaran ee arrimaha doorashooyinka.

Goobjoog News