U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Digtay In Baarlamaanka Soomaaliya Uu Meel Mariyo Sharciga Shidaalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda Macdanta iyo shidaalka Puntland ayaa digniin waxa ay ka bixisay in la meel mariyo sharciga shidaalka oo dhawaan la hor geeyay baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay sheegeen in loo marayo waddo qaldan.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adan kuna saxiixnaa Ciise Maxamud Faarax oo ah Hay’adda Macdanta iyo shidaalka Puntland ayaa lagu sheegay in ka maamul ahaan aysan marnaba raali ka noqoneyn in sharcigaasi la meel mariyo.

“Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxaa ay ogtahay in sharcigaan cusub ee qabyada ah ay gadaal ka riixaayaan shirkado shisheeye, sida Soma Oil and Gas, iyo kuwo la halmaala oo doonaya in ay si sharci darro ah ku qaataan heshiisyo cusub, amaba laysku dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hor” ayaa war saxaafadeedka lagu yiri.

Sidoo kale waxa ay hay’adani sheegtay in Dastuurka KMG ah uu ka hor imaanayo qodobkaan ah in baarlamaanka uu ka hadlo arinta ku aadan shidaalka, ama sharcigaasi la meel mariyo.

“Axdiga ku meelgaarka ah ee Jamhuriyadda Federalka Somaliyeed ee la sameeyey 2012kii ma siin Dawladda Jamhuuriyada Federalka Somaliyeed iyo Barlaamaanka Federalka Somaliyeed awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khusaysa arimaha khayraadkada dabiiciga ah, amaba shidaalka iyo macdanta Soomaaliya. Waxaa amuurtaasi ku cadahay Qodobada 45 iyo 55 ee Axdiga kumeel gaarka ah ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed”

Ugu dambeyn ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Macdanta iyo shidaalka Puntland in baarlamaanka Soomaaliya uu ka fiirso sharcigaasi hor yaalla oo ay sheegeen in laga yaabo dhibaato badan inuu keeno.

Goobjoog News