U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Digtey Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Puntland ayaa shacabka uga digey in deegaannada maamulkaasi uu ka dilaaco cudurka Shuban Biyoodka, kaasi oo hadda faro kulul ku haya deegaannada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in cudurka shuban biyoodka hadda lagu arkay meello kamid ah Puntland, lagana baqayo inuu sii faafo.

Wuxuu sheegay in cudurkaan uu ka yimid dhanka Burco maadaama ay jiraan dad isaga kala goosha Labada dhinac.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadda dhaqaatiirta ay arkeen shuban dhiig la socdo, kaasi oo uu tilmaamay inuu yahay halis, oo uu ka daran yahay midka caadiga ah ee fuuq baxa.

“Kiiska cudurka hadda meello aan badneyn ayaa lagu arkay, laakiinse waa halis inteeda la eg, waayo cudurkaan wuxuu ka imaanayaa dhanka Burco, maalin walbo dadbaa halkaasi taga, halkaan yimaada, maqaayadahoodii baa laga cunteenayaa” ayuu yiri wasiir Cismaan.

Inkastoo weli cudurka Shuban biyoodka aanu si aad ah uga dilaacin deegannada Puntland, ayaa hadana cabsida jirta waxay tahay in cudurka uu deegaannadaasi ugu faafo si sahlan, iyadoo dhaqaatiirka ay dadka ugu baaqayaan iney nadaafadda ku dedaalaan.

Goobjoog News