U bood dhigaalka

Puntland oo Ka Digtey Dhul Boob Ka Jira Garoowe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GarooweAgaasimaha Hey’adda Amniga ee PIA Cabdi Xassan Xusseen , ayaa ka digey dhul boob la sheegey in uu si xawli leh oga socdo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Cali Cabdicasiis, agaasimaha ayaa farta ku fiiqey in ciidamada amniga ay qeyb ka yihiin hawlaha dhul boobka, wuxuuna u direy digniin , isagoo xusuusiyey in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

“Bur Dhuleedku waa umadii oo dhan oo dhulka ku kacday, shacabkaa ka mid ah oo waxmarato ah, qeybadan oo ciidamada ah, guud ahaan ciidamada oo aanan la kala saarayn, waxaan u sheegayaa oo aan baaq u jeedinayaa ciidamada dowlada Puntland, sharci uma leh askari in uu xuquuq uusan lahayn sheegto, ama inuu ugu horbilaabo, askari sidiisaba waa sharci illaaliye, ninkii sharciga illaalinayay in uu sharci dumiyo noqdo, oo qawleysato dhuleed ugu hor bilaabo, arrintaasi xaashaalilaah arin ina qabato ma ahan, arrintaasi waa in laga digtoonaadaa, lagana waantoobaa, lagana joogsadaa” ayuu yiri

“Haddii aan laga joogsanin oo ay dhici weydo, waxaan rabaa in aan idinku bishaareeyo in aan teegeryso siyaasadda dowlada oga degsan dhulka” ayuu intaasi raaciyey.

Dhinaca kale ganacsade lagu magacaabo Jaamac Salaad Dhago-Dheere oo wariyaheena la hadlay ayaa dhaliiley qaabkii ciidamada dowladda hoose ee Garoowe ay u waajaheen rabshad la xiriirta dhulka oo dhexmartay shacabka iyo ciidamada, halkaasi ay ka dhacday rasaas.

“Wax lagu dhamayn karo wadahadal, in xabad loo adeegsado ma ahayn” ayuu yiri ganacsadaha.

Xiisadaha dhulka la xiriira ayaa baryahan kusoo kordhayay Garoowe, iyada oo shacabka iyo ciidamadaba ay dhulka ku habsadeen.

Dhageyso

Goobjoog News