U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Digtey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Heshiiskii laga Gaaray Arrimaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa digniin loogu diray baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan wax ka bedal lagu sameeyo heshiiskii magaalada Muqdisho ku gaartay Madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Gudoonka baarlamaanka Federaalka ayaa loogu baaqay inuu ilaaliyo heshiiska iyo sidoo kale in aan la faragelin qodobada heshiiska.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in marnaba aanay aqbali doonin dib u dhac ku yimaada xilliga loo madalsanyahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, sidoo kalena aan la aqbli doonin muddo dheeraysi.

Puntland ayaa sheegtay in markii waqtiga uu ka dhammaado baarlamaanka iyo madaxweynaha ay sii shaqeyn karaan oo kaliya golaha xukuumadda.

Halkaan hoose ka kahriso qoraalka:-

001

002