U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Hadashay Rabshadihii Xamar Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Dowlad gobaleedka Puntland ayaa goordhaw ka hadashay dagaallo 48 saac ee la soo dhafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa wax laga  xumaado ku tilmaamtay rabshadihii ka dhacay Caasimadda, iyadoo maamulka uu si adag uga hadlay xaaladda Magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay Ciidamadii loogu talagalay dalka in ay difaacaan in ay qeeyb ka noqdeen rabshadaha.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Puntland.

Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.

 

DHAMAAD