U bood dhigaalka

Soomaalida qaxootiga ku ah IFO oo loo qabtay aqoon kororsi ku aadan ka taxadarista walxaha qarxa

Sheeko:Dalka

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa Xerada Qaxootiga IFO waxa ay ku soo gaba gabaysay aqoon kororsi ku saabsan sidii dadka Qaxootiga ay uga taxadiri lahayeen waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha Hay’adaasi ayaa sheegay in tababarkan gacan ay ka   geysteen Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya.

Intaa waxa ay ku dareen in tababarkaan uu ahaa mid wax badan ay ka faa’ideysteen Soomaalida mudada 24-ka sano ku noolaa Xeryaha Qaxootiga Dalkaasi.

In ka badan boqol qof ayaa ka faa’ideystay tababarkaan, waxaana dadkaasi qaarkood ay u sheegeen Goobjoog Fm in wax badan ay ka faa’ideen aqoon kororsigaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Waryaheena Cabdisamad Cali Xaliye oo warkaan inoo soo diray.

Goobjoog News

Mar walba u daacad ah dadweynaha