U bood dhigaalka

Puntland oo La Wareegtay Gacan ku Heynta Deegaanka Garacad

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa saaka lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin deegaanka Garacad ee gobalka Mudug halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka maqnayd gacantooda.

Wararka ka imaanaya Garacad ayaa sheegaya in qeybo kamid ah deegaankaasi ay soo gaareen ciidanka Puntland walow aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin in deegaanka oo idil ay Puntland kala wareegtay dagaalyahannadii qabsaday.

Dadkii deegaanka Garacad oo maalmo ka hor isaga soo barakacay halkaasi ayaa weli ku laaban deegaankaasi sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan dagaalyahannada qabsaday iyo Puntland inay ku dagaallamaan.

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaanno kamid ah gobalka Nugaal oo ay shalay ku dagaallameen ciidamada Puntland  iyo dagaalyahanno gaaray halkaasi ayaa la soo sheegayaa in hadda wax dagaal ah uusan ka jirin halkaasi.

Xaaladda deegaanno hoostaga degmooyinka Godobjiraan, Eyl iyo Dangaronyo ayaa xasiloon, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo halkaasi ka soconaya.

Isla wararka Puntand dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno kamid ah gobalka Bari gaar ahaan buuraha galgala oo laga dareemayo guluf dagaal oo ay wadaan ciidanka Puntland oo xiran dareenkooda isla markaana wata hub fara badan.

Goobjoog News.