Maamulka Puntland oo Maanta u dabaal degayo sannad guuradiisii 16aad.

Ammaanka magaalooyinka maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyey xilli maanta uu u dabaal degayo sanadguuradii 16-aad ee aas-aaskii Puntland oo xuskeeda uu ka dhacaayo magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), masuuliyiin ka tirsa maamulkiisa, Odayaal, waxgarad iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo jeediyey khudbad ku aadan xuska maalinta Puntland ayaa sheegay in Puntland ay gaartay horumar iyo nabad, isagoo xusay in asaasayaashii Puntland ay dadkooda u horseedeen hormar, reer Puntland-na maanta ay guranayaan natiijadii ka soo baxday dadaalkooda.

Wuxuu u mahadceliyay ciidammada ammaanka iyo guud ahaan bulshada Puntland oo uu ku tilmaamay inay gacan ka geysteen nabadda iyo horumarka Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa inuu gellinka dambe ee maanta qudbad kale ka jeedin doono xaflad lagu qaban doono xarunta baarlamaanka Puntland, taasoo qeyb ka ah dabaal dagga 16 guurada kasoo wareegatay aas-aaskii maamulka Puntland.

Related Articles

36 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW