U bood dhigaalka

Puntland oo Masuuliyiin Hore Ku eedeysay Khalkhal Gelin Amni

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkooda  ku eedeysay inay wadaan khalkhal gelin amni waxaana la sheegay in masuuliyiintaas ay kicin ciidan ka wadaan gobalka Gardafuu.

Guddoomiyaha gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin hore uga tirsana Puntland ay gobalkiisa ka wadaan khalkhal gelin amni waxa uuna hoosta ka xariiqay in amniga gobalka Gardafuu uu yahay mid la isku halayn karo.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in guddoomiyihii hore ee gobalka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo Mahad Carar oo sida uu sheegay laga ceyriyay wasaaradda Kaluumeysiga ay soo abaabuleen ciidan islamarkaa waxa uu carabka ku dhuftay in raggaasi ay yihiin kuwo horey shaqadoodii ugu fashilmay.

Dhanka kale guddoomiye Muuse ayaa sheegay in ciidankii dhowaan sheegay inay ka go’een Puntland aysan ahayn ciidan sax ah balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo abaabulay oo deegaanka u dhashay isaga oo intaas raaciyay in masuuliyiin ka careysan xilalka laga qaaday ay soo abaabuleen.

Hadalka guddoomiyaha Gardafuu ayaa daba socda kagadaal markii askar ku sugan gobalkaasi ay iska soo duubeen muuqaal ay ku sheegayaan inay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageero ka rabaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News