U bood dhigaalka

Puntland oo Qaadacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo Ku Baaqay

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaadacday ka qeybgalka shirkii dhowaan uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo in ay isugu yimaadan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, si ay uga wadahadlaan doorashada dalka ee 2021-ka.

Wasiir warfaafinta maamulkasi Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shairkaas, balse ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in labada dhinac ay ka tashtaan doorashooyinka dalka ku soo wajahan .

Lama oga sababta ka dambeysa in dowlad goboleedka Puntland ay ka hor timaado shirka sedex geesoodka ah ee uu ku baaqay madaxweynaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in horay Puntland ay u qaadacday wadahadallada dalka Jibouti uga furmay Soomaaliya iyo Somaliland.

Goobjoog News