U bood dhigaalka

Puntland Oo Qorsheynaysa Gurmad Lala Gaaro Dadka Ku Nool Deegaanada Xeebaha Bari Ee Duufaantu Ku Dhufatay

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay wadaan dadaal xooggan oo la doonayo in loogu gurmado shacabka ku dhaqan deegaanada ku yaalla xeebaha bari ee maamulkaasi, ka dib markii ay saameyn xooggan ku yeelatay duufaan dhawaan halkaasi ku dhufatay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Puntland Cabdullaahi Qoobdeero oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la magacaabay guddi u kuur gala wax u qabashada shacabka dhibban.

‘’Hay’adaha Puntland waan wada hadalnay wax walba waa diyaar in halkaa la gaarsiiyo, inkasta oo ay adag tahay qaabka lagu gaarsiin lahaa, madaxweyne ku xigeenku wuxuu magacaabayaa Guddi ka hawlgala aagaa’’ ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in duufaanta ku dhufatay deegaanada ku yaalla xeebaha Bari ee Puntland ay sababeen inay dumaan guryo, wadooyinna ay burburaan.

‘’Waxaan ognahay Guryo dumay,Waddooyin go’ay iyo Beero Timir ah oo wax yeelaysay,waxaa khasaaruhu ku xoog badan yahay qalabka Kalluumaysiga oo waxna ay dabayshu burburisay waxna ay la tagay’’

Maamulka Puntland ayaa aad ugu mashquulsan sidii loogu gurmann lahaa dadka ay saameysay Duufaanta CHAPALA.

Goobjoog News