U bood dhigaalka

Puntland Oo Shaacisay Tirada Askartii Kaga Geeriyootey Dagaalkii Balli Khadar

Sheeko:Amniga

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey tirada askartii kaga geeriyootay deegaanka Balli Khadar, kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada Al-shabaab.

C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo ah agaasimaha ciidamada badda Puntland ayaa sheegay in ciidankooda ay ka dhimatay Saddex Askari, ayna ka dhaawacmeen ku dhowaad 10.

Waxa uu sheegay agaasimaha sidoo kale in dhanka Al-shabaab ay khasaare badan soo gaarsiiyeen balse tiro ahaan ma aanu sheegin.

“Ciidamadeenna wey iska caabiyeen argagaxisada, waxaa dhankeena ka dhimatay Saddex askari, waxaana ku dhaawacmay askar 10 ku dhow” ayuu yiri taliyaha.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada badda Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeen kahor waxa uu ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News