Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Puntland ayaa shaaciyay Habraaca iyo jadwalka afar kursi oo doorashadooda dhawaan la qabanayo.
Jadwalka guddiga SEIT ka soo baxay ayaa lagu sheegay in kuraasta HOP#128, HOP#225, HOP#232 iyo HOP#144, doorashadooda la qabanayo 27-ka bishaan oo ku beegan khamiista soo socota.
Kuraastaan ayaa waxaa hadda ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-
HOP#128 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed
HOP#223 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan  Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri)
HOP#232 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan  Cabdirashiid Daahir Gaboobe.
HOP#144 Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyaya xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed