U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In Aanu Quseyn Go’aankii Dowladda Federaalka Ku Hakisay Qaadka Kenya

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in  marnaba aanu quseyn go’aankii shalay dowladda Federaalka ku hakisay diyaaradihii qaadka keeni jiray dalka ee ka imaanayey Kenya.

Afhayeenka maamulkaa Puntland C/laahi Quraan Jecel oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulkooda aanu waxbo kala socon go’aankaasi sidaa darteed diyaaradaha Qaadka Kenya ay Puntland sidoodii u tagi karaan.

Wuxuu tilmaamay Afhayeenka in dalka yahay Federaal, islamarkaana dowladda Soomaaliya aan laga dooneyn in go’aan ay kaligeed iska gaarto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Go’aaankaasi ma ahan mid innaga ina quseeya, sidaad la socotid dalka waa Federaalka, wasaaradda duulista Hawada markii ay go’aan qaadaneyso waxaa la rabaa inay maamullada u sharaxdo qatarta soo korortay, sidaa darteen annaga go’aankaasi nama quseeyo, garoomada waxay u furan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed haddii ay tahay Rakaab iyo haddii ay tahay Qaad, diyaaradihii ka imaan jiray Kenya Puntland wey u furan yihiin”

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ammar ku bixisay in dalka aanay kasoo degi karin diyaaradaha Qaadka ka keena dalka Kenya.

Goobjoog News