U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In Amnigooda Sugmay Wixii Ka Dambeeyay Xanibaadda Gaadiidka Ee Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in amni deegaannada maamulkaasi uu soo hagaagayo wixii ka dambeeyay markii deegaannadaasi laga mamnuucay iney u gudbaan gaadiidka ka tagayey gobollada Koonfureed.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka ay hadda dareemayaan amni buuxa, islamarkaana markii hore dadka qaar ay la yaabanaayeen go’aamadaasi.

Camey ayaa tilmaamay in gaadiidka ka tagi jiray gobollada Koonfureed ee tageyey deegaannada Puntland ay geyn jireen deegaannadooda qaraxyo iyo ciidan Al-shabaab ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Gaadiidka waxay keeni jireen hub, ciidan, wixii dhan wey istaageen, hadda nabadgalyo bay dadku dareemayaan, arrintaasi waxaa laga yaabaa markii la sameynayey in dad badan nala yaabanaayeen, laakiinse hadda dadku waa ay taageereen” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Injineer Camey ayaa dhinaca kale ugu baaqay qaar ka mid ah ganactada Puntland oo weli diiddan xanibaadda Gaalkacyo in shacabkooda ay dhinac ka raacaan islamarkaana ay qeyb ka qaataan amniga la sugayo.

Wixii ka dambeeyay markii Puntland ay xanibtay gaadiidka isaga kala gooshi jiray gobollada Koonfureed waxaa soo badanayey dhaliilaha loo jeedinayo maamulkaasi.

Goobjoog News