U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In Ay Diyaar U Tahay Xabad Joojin Ka Dhaqan-gasha Boosaso

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa shir jaraa’id oo uu goordhaw qabtay ku sheegay in puntland diyaar u tahay xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada boosaso.

Gallaan ayaa sheegay in maamulka Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni uu qaadanayo baaqa isimada reer puntland.

Wasiirka ayaa ku eedeyay agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF in uu ku gacan seeray xilwareejinta xafiiska PSF, taasna ay sababtay in uu duulan ku soo qaado ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in mar walba ay diyaar u tahay in xalka nabad uu noqdo, sidoo kalena ay dadaal ku bixinayaan sidii looga hortagi lahaa dagaalka in uu sii daba dheeraado.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sidoo kale sheegay in haddii isimada iyo dhamaan dadka ka shaqeynaya nabadda ay ku guuldareystaan Puntland ay talaabo ka qaadi doonto ragga dagaalka ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay wasiirka .

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/452695829591847/

Goobjoog News