U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegtay inay Fashiliyeen Qaraxyo Lagu Aasayay Gudaha Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Saraakiisha amaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo lagu aasayay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta goblka Bari, ka dib markii ay falkaas xog ka heleen hey’adaha booliska maamulkaasi.

Taliska booliska gobalka Bari oo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ayaa wax ay sheegeen in qaraxyadan ay fashilyeen xalay islamarkaana waxa ay intaas ku dareen in raggaasi aasayay qaraxyada looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo kuwa Daacish ee ka dagaalama deegaannada Puntland.

Booliska ma aysan faahfaahin inay gacanta ku dhigeen raggii qaraxyada aasayay iyo inkale balse waxa ay xuseen in qaraxyadan la doonayay in lagu aaso bartamaha magaalada islamarkaana ay ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan waxyaabihii la doonayay in la qarxiyo ka hor inta aysan qarxin.

Magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Puntland sida Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amnigoodu waxa uu noqday mid faraha ka sii baxayay ka dib markii magaalooyinkaas ay ka dhaceen dilal qorsheysan, weeraro toos ah iyo qaraxyo waxaana dhacdadii u dambeysay lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee qeybta Puntland Axmed Muuse Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta ugu sareysa Puntland waxa ay had iyo jeer sheegaan inay tallaabooyin cad ka qaadi doonaan amniga deegaannadooda, balse taas xilligan uma muuqato mid ay amni iyo xasilooni ku helayaan shacabka deegaannadaas.

Goobjoog News