U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay Inay La Dagaallameyso Dadka Wax Ka Tahriibiya Deegaannadeeda

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin dadka wax ka tahriibiya deegaannada maamulkaasi, iyaga oo sheegay in dadkaasi ay gacan adag ku qaban doonaan.

Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo ah taliyaha ciidamada Badda Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamadooda ay habeen iyo maalin usoo jeedaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xeebaha Puntland iyo dhaq dhaqaaqeeda.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay soo qabteen Laba doonyo oo dad ka tahriibinayey deegaanno ku dhaw Boosaaso, wuxuuna sheegay in ay soo qabteen dad badan oo la tahriibinayey.

“Cid walba oo wax tahriibineysa dagaal baa naga dhaxeeya, sidoo kale dadka Soomaalida iyo kuwa Ajaaniibta ah waxaan u sheegaynaa iyaguna in ciddii la qabto cadaaladda lahor geynayo, tahriibka waa ka mamnuuc deegaannada Puntland” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadeen howlgallo ay ku baacsanayaan tahriibayaasha iyo dadka dadkaasi tahriibinaya.

Goobjoog News