U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegtay inay Weerar Qorsheysan Ku Dishay  Madaxii Al Shabaab ee Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

War qoraal ah ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo kumaandooska Soomaaliya ay dileen madaxii Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Mudug.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ruuxa la dilay oo aan magaciisa la sheegin uu Al shabaab u qaailsanaa qaraxyada lagu dilo masuuliyiinta gobalka Mudug islamarkaana uu lug lahaa qaraxyo lagu dilay masuuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale waxa ay Puntland sheegtay in xubintan ka tirsanayd Al shabaab ee ay dileen inuu qorsheynayay qaraxyo kale oo lagu waxyeelo masuuliyiin sarsare waxaana ay intaas ku dareen in shaqsigan ay dabagal ku hayeen ciidamada amaanka.

“Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo  ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st  ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu  ,kaaas oo ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug,haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland.

Dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ayaa weeraro kala duwan ka fuliya qeybo ka mid ah gobalka Mudug iyaga oo gobalkaasi ku dilay masuuliyiin uu ugu dambeeyay guddoomiyihii gobalkaas ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur.

Goobjoog News