U bood dhigaalka

Puntland Oo Somaliland Ku Eedeysay Dagaalkii Balli Khadar

Sheeko:Amniga

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Somaliland ay ka qeybqaadatay dagaal xalay ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari, kaasi oo khasaare geystay.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidanka badda Puntland kusoo qaadeen dagaalyahanno Al-shabaab ah oo ay la socdaan ciidamo Somaliland ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in weerarkaasi ay hoggaaminayeen saraakiil Somaliland ah oo la yaqaano, wuxuuna sheegay in ciidankooda ay is difaaceen.

“Xalay saqdii dhexe ay Al-shabaab iyo maleeshiyaadka Hargeysa oo ay hoggaaminayeen saraakiil maamulkaasi ah ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Balli Khadar halkaas oo ay kala kulmeen jab xooggan, ciidanka Puntland waxaa soo gaaray khasaare kooban” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiir C/laahi ayaa sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab isku milmeen si ay shacabka u dhibaateeyaan.

“Waxaan u xaqiijineynaa umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in maamulka Hargeysa iyo argagaxisada caalamiga ah ay isku milmeen, kana mideysan yihiin waxyeeleynta guud ee shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo kuwa maamulka Hargeysa” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Dhanka Somaliland wax war ah kama aanay soo saarin eedeyntan kaga timid Puntland.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa maalmahan dambe ka dhaxeeya dagaallo, iyadoo dagaallo xooggan ay ka dhaceen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sanaag.

Goobjoog News