U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Dhaweysay Go’ankii Rooble Xilka Uu Kaga Qaaday Taliyihii Hore NISA

Sheeko:Amniga

Maamulka Puntland ayaa soo dhaweyay go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu xilka kaga qaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso xilka qaadista Fahad.

Puntland ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha ku bogaadisay dadaalka uu ku bixinayo sidii looga gun gaari lahaa kiiska Ikraan Tahliil.

Hoos ka akhriso qoraalka Maamulka Puntland 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.
DHAMMAAD