U bood dhigaalka

Puntland Oo u Digtey Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa looga hadley arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in dalkaan ay ka dhacaan sanadkan 2016 iyo arrimo ku saasan wax ka bedalka lagu sameynayo heshiiskii laga gaaray doorashooyinkaasi.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in uu wax ka bedal ku sameeyo heshiiskan, waxaana lagu sheegay qoraal ay soo saareen wasiiradda Puntland in baarlamaanku aanu awood u lahayn inuu wax ka bedalo heshiisyada la wada gaaray.

Waxay sheegeen in tani ay u arki doonaan carqalad la doonayo in lagu sameeyo doorasho dalkaan waqtigeeda uga dhacdo, balse ka Puntland ahaan aysan marnaba aqbali doonin wax ka bedal lagu sameeyo heshiiskan.

War-saxaafadeedka hoos ka akhriso

Puntland 

Goobjoog News