U bood dhigaalka

Puntland Oo u Digtey Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in daan daansi dagaal ay gobolka Sool ka wadaan maamulka Somaliland oo ay sheegeen inay kusoo xadgudbeen xuduudda Puntland.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in marnaba aanay dooneyn in xilligaan uu dhiig Soomaaliyeed daato, balse haddii la huri waayo ay taasi dhici doonto.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamo badan oo Somaliland ah ay soo galeen deegaanno aan hoostagin maamulkaasi, sidaa darteedna ay taasi jawaab ka bixin doonaan haddii aan degdeg wax looga qaban.

“Maanta looma baahna in inta lasoo abaabulo dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland  la daadiyo dhiig Soomaaliyeed, waana cambaaraynaynaa arrintaasi, balse waxaan idiin caddaynayaa in aanay  dawladda Puntland nabad ka qaadanayn cid walba oo ku soo xad gudubta xuduudeheeda” ayuu yiri Wasiika.

Ugu Dambeyn wasiir Qarjab ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka waxa uu ugu baaqay inay isha ku hayaan daan daansiga uu sheegay in dhanka Somaliland ka socdo.

Goobjoog News