U bood dhigaalka

Puntland oo War Kasoo Saartay Dagaal ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay  ka hadlay dagaal maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamo kawada tirsan maamulka, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada garoonka ay is hor istaag ku sameeyeen wafdi ka socday federalka oo siday gargaar loogu talo galay dadka abaartu ay saamaysay ee ku dhaqan magaalada oo ay hoggaaminaysay Sacdiya Siciid.

Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dimuqradiyadda Puntland Mohamed Abdirahman Dhabancad ayaa sheegay in si kadis ah oo aan la fileyn ay ku dhacday shaqaaqadii garoonka, waxaana uu xusay inuu sidoo kale uu jiro khasaare, wasiirka ayaa intaas ku daray inaan lagu soo war galin laamaha amniga in wafdigaan uu imaanayo magaalada sida uu yiri wasiirka.

“Waxaan rabnaan  inaan halkaan idiin kula wadaagno, dhacdo yar oo maanta ka dhacday gudaha Puntland, dhacdadaas oo la xiriirtay, saakay annaga oo wax war ah heyn, in ay soo dhacday macluumaad sheegay in diyaarad sidday alaab gargaar ah ay ka degayso magaalada Boosaaso, xogtaas waxaa ay ku timid kadib markii ciidamo ka tirsan ku amniga ay sheegeen, dadaal dheer kadib diyaaraddaas si nabad ah ayey ku yimid, shidaalkeedana u qaadatay oo dib ugu laabatay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Dhabancad oo sii hadlaya ayaa sheegay in xillligaan dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo loo baahan yahay in guud ahaan dowladda iyo maamullada ay si wadijir ah ay uga wada shaqeeyaan sidii loo samatabixin lahaa dadka abaartu saamaysay, waxaana uu carabka ku dhubftay in Puntland ay diyaar u tahay in dowladda dhexe ay dhow ugala shaqeyso.

“Hannaanka federalka ee dalka ka jira waxaa uu muujinayaa, mas’uuliyaadka iyo qeybsanaantooda iyo iska warqabkooda, dowladda Puntland, waxaa ay diyaar u tahay in ay wada shaqeyn dhow kala yeelato dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba, sidii dadka ay abaartu hayso wax looga wada qaban lahaa iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira oo amnigu kow ka yahay, laakiin muuhiimaddu ay tahay inuu mar waliba uu jiro xiriir iyo iska warqab” ayuu yiri Dhabancad.

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamed Maxamed Gallanoo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in dhacdada ay ka bilaabatay kadib markii ciidan ka tirsan kuwa PSF Puntland ay damceen in ay gudaha garoonka ay gudaha u galaan, isaga hadalkiisa raaciyay in garoomada diyaaradaha Punland aan la ogoleyn in hub iyo ciidan lala galo shacab iyo mas’uul intaba.

” Waxaa ay yimaadeen garoonka iridiisa, kadib ilaaladii garoonka iyo waxaa ay isku fahmi waayeen, waxaa ay damceen in ay gudaha u galaan, garoonkaas iyo garoomada kale ee Punland waa ka mamnuuc in ciidamadu ay gudaha u galaan ama gaadiidkooda, anniga oo wasiirka amniga ah markii aan garoomada galayo ilaalada ila socota iyo gaadiidka waxaan kaga imaadaa dibadda,  waa u hoggaansami waayeen, waxaana dhacday in halkaas ay rasaas ay ka dhacdo”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xilligaan oo dalka ay ka jirto abaar baahsan oo guud ahaan loona baahan yahay in ciidan iyo in si wada jir ah looga qeyb qaato sidii loogu gargaari lahaa dadka ay abaartu saamaysay, waxaana uu ugu baaqay in laga fogaado dagaal iyo fidno in xiligaan la abuuro, loona guntado sidii loo samata bixin lahaa dadka la daalo dhacaya.

“Soomaaliya oo dhan iyo Puntlandba, waxaa ay la daalo dhaceysaa abaar baahsan oo dadkii oo dhan saamaysay, xoolihii oo dhan saamaysay, laakiin maanta oo kale fidno iyo fadqalale looma baahna, waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado dowlad iyo dhacaba sidii dadkaan tabaalaysan oo duruufaysan oo abaartu ragaadisay sidii loogu gurman lahaa, ciidamadana waxaa la rabaa in ay qeyb ka noqdaan gurmadka abaaraha ay qeyb ka noqdaan” ayuu  kusoo gabagabeeyay wasiirka amniga.

Shaqaaqada maanta ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 10 askari oo kala tirsan kuwa ammaanka garoonka diyaaradaha iyo ciidanka PSF-ta, waxaana wafdigii ka socday federalka ay hoggaaminaysay Sacdiya Siciid Samatar guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, waxaana qeyb ka ahaa wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Goobjoog News