U bood dhigaalka

Puntland Oo Xirtay Idaacadda Daljir

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Puntland ayaa albaabada isugu dhuftay idaacadda madaxa bannaan ee Daljir taasi oo ku taalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Booliiska oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta Idaacadda, waxaana ay ku amreen shaqaalaha in xarunta ay dibadda uga baxaan, iyaga oo hawada ka saaray Idaacaddaasi.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xiritaanka Idaacadda loo sababeynayo wareysi ay la yeesheen Guddoomiyahii hore ee gobolka Bari C/salaan Gallan oo dhawaan sheegay inqilaabi doono maamulka Puntland.

Tani ayaa imaanaysa maalin un kadib markii wasiirka warfaafinta Puntland uu amray dhammaan warbaahinta ka howlgasha Puntland in aysan wareysan karin dad uu ku sheegay inay yihiin Burcad Badeed iyo Argagaxiso uuna kala jeeday Gaallan iyo wixii la mid ah.

Dhanka kale ururada saxaafadda ee ka jira Puntland iyo ururka saxafiyiina qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si wadajir ah waxay u cambaareeyeen xarriga Idaacadda Daljir, waxaana ay ka codsadeen maamulka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Idaacadda ugu ogolaadaan inay sii wadato howlaheedii shaqo.

Goobjoog News