U bood dhigaalka

Puntland oo Xukun Dil ah Ku Fulisay 13 Xubnood oo Ka Tirsanaa Al-shababa iyo Daacish

Sheeko:Amniga

Maxkamdda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 13 xubnood lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo gorey maxakamaddu dil ugu xukuntay, dilka ayaa dhacay saakay abaare 8:00  subaxnimo.

Toogashada 13 ruux ayaa ka kala dhacday magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe, Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtay 5 nin oo ka tirsanaa amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga gaystey xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Magaalada Garoowe ayaa sidoo kale waxaa lagu qisaasay Shucayb Maxamed (Jacfar) oo sanadkii 2016 lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Suuj, Garmaal iyo Kulub, balse cafis iyo dhaqan celin loo sameeyay ayuu markale dib ugu laabay Al-shabaab.

Maxakamadda ayaa magaalada Bosaso waxay qisaas kula fulisay  6 nin oo ka kala tirsanaa Shabakado Shabaab iyo Daacish ah, Kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen magaalada Bossaaso, oo lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka Puntland.

Maxkamadda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer dilal ka duwan ku fulisay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo lagu soo eedeeyay dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen deegaannada Puntland oo lagu beegsaday shakhsiyaad iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Goobjoog News