U bood dhigaalka

Puntland: Qaad Lagu Gubay Gobolka Bari

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gubay xirmooyin Qaad ah kaas oo si sharci darro loo soo geliyey Puntland ka dib go;aanno  maamulkaasi horay uga soo  saaray in la keeno Qaadka ama laga ganacsado.

Ciidamada Booliska oo howgallo ka sameeyey deegaanka Ceel Daahir ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay xirmooyinka Qaadka ah  ka dib ciidamada iyo taliska booliska gobolka ayaa Qaadka ku gubay goob fagaaro ah.

Taliyaha qeybta ciidamada Booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu gubayey Qaadka ayaa digniin u jeediyey dadka weli ku howlan jabinta awwaamiirta horay looga soo saaray Qaadka in la keeno Puntland  sababo la xiriira cabsi laga qabo qaabuqa Coronavirus.

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer Qaad ku gubay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland ka dib markii madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni uu soo saaray go’aanno lagu joojinayo Qaadka la keenayey deegaannada Puntland.

Goobjoog News