U bood dhigaalka

Puntland: Sarifka Lacagta Doolarka oo hoos u dhac Laga Dareemay

Sheeko:Dalka

Kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa durbaba hoos u dhac laga dareemay suuqa  lagu kala sarifto lagacta dollarka Mareykanka ee deegaanada Putlnland.

Ganacsatada magaalada Garowe oo la hadlay Goobjoog News ayaa u sheegay in 100$ lagu kala sarifayo hadda 3 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah halka markii hore uu ka ahaa 3 milyan iyo bar ilaa 4 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, waxana loo sababaynayaa ayada oo deegaanada Putnland  ay  soo galeen lacago dollar  ah waqtigii ololaha doorashada iyo maamulka cusub oo joojiyay in bangiga lacago shilin Soomaaliya laga soo bixiyo.

Bashiir, oo ka mid ah ganacsatada Garowe ayaa Goobjoog news uga waramay arrinkaas waxaa uuna yiri ‘Magaceygu waa Baashi khaliif Aadan oo ka mid ah sarifleyda magaalada Garowe maanta, xalay ,ilaa iyo  shalay galinkii danbe waxaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagta waxana 1$ lagu sarifayaa 30.000 oo Shilin halka markii hore uu ka ahaa 34.000 ilaa-36000 oo Shilin,  hadda magaaladana mayaalo kaash, waxaana ugu wacan ayadoo waraaqad ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu xannibay in bangiga dhexe  laga bixiyo lacago kaash ah ayadoo magaalada uu yaalo dollar badan taas ayaa hoos u dhaca ku keentay sarifka’

Sidoo kale Bashiir oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay is badalkii laga filayay inay la yimaado  maamulka  cusub iyo balanqaadayadii  Saciid Cabdullaahi Deni markii uu ku jiray olalahiisii doorashada inuu wax ka qabanaayo sarifka iyo sicirka bararka ka taagan maamulka Putnland hadana waan aragnaa inuu fuliyay balankii uu qaaday.

Dhanka kale qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan  oo sara kaca sarifka uu saameyta ugu badan ku yeesho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sarifka lacagaha  is badalka ku yimid ayanoo sheegay in arintaan wax badan ka badalayso noloshooda,

Maxaed Saciid Xasan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan ee magaalada Garowe ayaa sheegay in bulsho ahaan ay soo dhaweynayaan hoos u dhaca dhanka sarifaka ah ee laga dareemay deegaanada Putnland,

‘Aad  iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay bulshada ku nool deegaanada Putnland  hoos u shaca sarifka lacagta in kastoo aan lays ku haleen Karin hadana waxaan rajaynaynaa inuu hoos u dhaco mahane in uu mar danbe kor ulaaban’

Goobjoog News