U bood dhigaalka

Puntland: Sarkaal Lagu Qabtey Khamri Oo La Xukumey

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa markii labaad muddo bil waxaa ay gacanta ku dhigeen khamri ay si sharci darro ah deegaanka ku soo geliyay sarkaal ciidanka ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu soo qabtay dhalooyin Khamri ah oo si sharci daraha magaalada loo soo geliyay.

Taliyaha booliska gobolka Nugaal Cabdi rashiid Xinjara-Nuug ayaa sheegay in ciidamada booliska ay samenayaan hawlgalo ay ka hortagayaan dadka keenaya khamriga magaalada, isagoo xusay in cid waliba oo arrinkaasi ku kacda sharciga la horkeenayo..

In kadan 200 oo dhalo khamri ah ayaa lagu soo bandhigay  saldhigi dhexe ee magaalada Garoowe, waxaana xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka uu sheegay in la xukumay sarkaalki lagu qabtay dhalooyinka khamriga ah.

Taliska ciidamada degmada ayaa ballan-qaadey iney sameyn doonan hawlgalo lagu baarayo meelaha looga shaki sanyahay in laga soo geliyo khamriga sida uu warbaahinta usheegay taliyaha booliska Gobolka .

Goobjoog News