U bood dhigaalka

Puntland: Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Karkaar

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka eleyno gobalka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in khasaare kala duqan uu ka dhashay shil gaari oo ka dhacay tuullo lagu magacaabo Yakka  oo hoostagta gobalkaas.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo ah nooca xamuulka qaadda kuwaas oo ku safrayay wadada.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday laba ruux halka ay afar kale ay ku dhaawacmeen shilka ka dhacay tuullada Yakka .

Saraakiisha amniga Puntland ee gobalka Karkaar ayaa xaqiijiyay khasaraha ka dhashay shilkaan saaka ka dhacay tuullada Yukka.