U bood dhigaalka

Puntland: Shirkadaha Isgaarsiinta oo Aan Hirgelin Go’aan Kasoo Baxay Maamulka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta gabi ahaan deegaannada maamulka Puntland aanan  ka dhaqan gelin go’aan dhowaan kasoo baxay golaha wasiirrada maamulkaas, kaas oo ku socday shirkadaha Isgaarsiinta ee ka shaqeeyo Puntland.

Go’aankaan ayaa waxaa shirkada isgaarsiinta lagu amray in aysan shacabka u ogolaanin in la isu diro lacag ka yar 1$, adeegyada Sahal iyo E-dahab, ee Dahabshiil iyo Golis, sida lagu xusay qoraal kasoo baxay wasaaradda  maaliyadda shalay 3-da December 2020-ka.

Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland waxay Shirkadaha Golis iyo Dahabshiil  amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay sarifka  cabasho badan ay ka keeneen shabaka.

Wararka saaka Goobjoog  News ay helayso magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in go’aankii kasoo baxay wasaaradda maaliyadda inaan loo hogaansamin dadkuna ay lacagaha ay isu dirayaan, sida oo inoogu waramay ruux ku sugan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Sidoo kale waxaa saaka xiran ganacsiga magaalada Boosaso sababo la xariira go’aanka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay ku taallo isha dhaqaalaha Puntland ugu weyn ee dekadda.

Deegaannada maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ka jiro sicir barar baahsan oo dhanka sarifka lacagaha ah, waxaana ay keentay saameyn ay ku yeelatay bulshada deegaannadaas haba ugu darnaadaan kuwooda dan yarta ah ee ku tiirsan nolol maalmeedka ama shilimaadka ay soo shaqeystaan.