U bood dhigaalka

Puntland: Waxaa Nasoo Weeraray Galmudug Iyo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iney ka qeybqaadatey dagaalladii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulkaasi ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Galmudug ay ciidamada Puntland kula dagaallameen Gaalkacyo.

Waxay sheegtay Puntland in aysan gacmaha ka laaban doonin cid walbo oo weerar ku soo qaadda islamarkaana ay is difaaci doonaan waa sida ay hadalka u dhigeenne.

War-saxaafadeedka Hoos ka Akhriso:

war-murtiyeed_0001