U bood dhigaalka

Puntland: Waxay Diyaar U Tahay Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Ee Uu Hogaaminayo Rooble

Sheeko:Amniga
Maamulka Puntland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
War-ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaxay Ra’iisul wasaaraha.
“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.
Warka ka soo baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada golaha shacabka.
“Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.
Hadalka ka soo yeeray Puntland ayaa yimid xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaada ee dowladda federaalka.
Goobjoog News