Xafiiska howl-galka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxyada iyo falalka argigixisada aaney waxyeeleyn karin adkeysiga iyo kartida shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin ilaalinta jiritaankooda.
UNSOM, qoraal gaaban ay soo saartay waxaa sidoo kale ay ka hadashay in shacabka Soomaaliyeed u soo dul-qaateen wax badan, isla markaana leeyihiin adkeysi badan gaar ahaan arrimaha argigixisada.
UN-ka, hadalkan waxaa uu ku soo beegay qaraxyo maalmihii ugu dambeeyay ku soo batay gudaha magaalada Muqdisho, todobaad gudahiisa waxaa Weheliye iyo Sayidka ee waddada Maka Al-mukarama ka dhacay 2 qarax, kan hore 14 ayaa ku dhimatay halka Sayidkana ay 5 ku dhimatay.
Goobjoog News