U bood dhigaalka

QM: Malaayiin Ku Dhibateysan Soomaaliya, Yeman, Nigeria iyo Koofurta Suudaan

Sheeko:Dalka

Ka dib markii uu ka digay golaha ammaanka ee qaramada midoobay dhibaatada ka dhalan karta macluusha ku faaftay wadamada Yeman, Somalia, Nigeria iyo Koofurta Suudaan iyada oo wali ay sii socdaan dagaallada ka jira qaar ka mida dalalkaan,ayaa hadana dowladahaan waxay kaalmooyin degdeg ah ay ka sugayaan beesha caalamka.

Iyada oo ay ka daahday beesha caalamka in kaalmooyin degdeg ah loo gaarsiiyo dowladahaan afrata ah kuwaas oo wajahaya abaaro, macluul iyo dagaallo  ayaa waxaa laga yaabaa in Sooomaaliya ay soo wajahdo abaar lamida tii ku habsatay sanadkii 2011 kii.

Yeman ayaa noqotay mid ka sheeganeysa dagaallo iyo macluul, iyada oo ay ku taallo meel Istiraatiiji ah oo muhiima waxayna isku xirtaa ganaciga qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Waxaa cirka isku sii shareeray xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta yeman taasi oo maaliba maalinta ka dambeyso sii kordheysa,inta ay socdeen dagaallada u dhaxeeya dowladda Yeman oo ay kaabayaan isbaheysiga carabeed,kuwaas oo ay uga soo horjeedaan kooxaha Xuutiyiinta iyo ciidamo taabacsn madxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Warbixin uu faafiyay bilowgii bishaan Agoosto xafiiska isku duba ridaha arrimaha bani’aadanimada ee raacsan qaramada midoobay  ayaa waxaa lagu sheegay in 7 malyan oo Yemaniin ah ay qarka u saaranyihiin macluul, kuwaas oo ku nool dalka ugu dhibaatada badan xagga bani’aadanimada ee caalamka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in 7 malyan oo yemaniin ah ay qarka u saaranyihiin macluul.iyada oo dhanka ay jirto in ku dhawaad 2.3 malyan oo caruur ah kuwaas oo nool Yeman kana hooseeya da’da shan sano ay la il daranyihiin nafo darro, warbixinta ayaa waxaa lagu sii sheegay in labo meelood meel bulshada ree yeman ay u baahanyihiin kaalmooyin bani’aadanimo.

Dhanka kale hay’adda caafimaadka aduunka ayaa shalay sheegtay in ay korortay tirada u dhimatay cudurka daacuun caloolaha kaasi oo Yeman ka dilaacay bishii April  tirade dhimashada  ayaa ah 1971 qof.

Soomaaliya:

Xaaladda Soomaaliya kama duwana wax badan midda Yeman 6.2malyan  qof oo Soomaaliya ayaa waxay u baahanyihiin kaalmooyin cunto ah, halka 2.9 malyan oo kale ay u baahanyihiin kaalmooyin degdeg ah,ka dib markii ay abaaro ay ku dhufteen dalka sanadkii 2011 kii.

Loran Bokira oo u qaabilsan Unicef Soomaaliya ayaa waxaa uu ka digay in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaranyihiin Macluul.

Waxaa uu caddeeyay in waxaan ka yareyn 600 oo qof ay u geeriyoodeen daacuun calooleed, isaga oo sii hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay 3.2 malyan oo Soomaali ay haysato macluul,halka 70 kun oo caruura ay wajahayaan nafaqo darro baahsan.

Waxaa uu tilmaamay mas’uulkaan Unicef u qaabilsan Soomaaliya in 8.1 malyan oo qof ay ka bara kaceen goballadooda tan iyo bilowgii sanadkaan.

Caddeymo ay heshay Unicef sanadkii 2014 ayaa waxay sheegayaan in %92 caruurta Soomaaliyeed ay ka cabanayaan nafaqo darro baahsan.

Nigeria:

Nigeria ku dhawaad todobo sano waxay dagaal kula jirtaa kooxda Boko Haram,waxaana ku dhintay dagaalladaas tobanaan kun, halka ay barakaceyn in ka badan 7 malyan oo qof, sidoo kale dagaallada Nigeria ayaa waxay sababeen in ay burburaan kaabayaashii dhaqaale oo uu lahaa dalkaasi qeybo badan oo kamida.

Dagaallada ka socda Nigeria gaar ahan gobollada waqooyi bari waxay saameeyeen 26 malyan oo qof,waxayna sababeen barakicinta ku dhawaad 1.8 malyan oo qof oo ku sagan Nigeria.

Ku dhawaad 14 malyan oo qof oo ku nool Nigeria ayaa waxay u baahanyihiin kaalmooyin bani’aadanimo.

Koofurta Suudaan:

Dowladda Koofurta Suudaan oo ka go’day suudaanya kale sanadkii 2011 waxay ka cabaneysaa dagaallo sokeeye,kuwaas oo sababay dhimashada kumanaan kun oo qof,halka ay barakaceen boqolaal kun,mana guuleysan heshiiskii la galay sanadkii 2015 kii.

Qaxootiga ka soo cararay dalka Suudaanta Koofureed oo gaaray dowladaha deriska ayaa waxay gaarayaan 1.5 malyan.

Anadolu Agency

Waxaa Tarjumay: Jaamac Shidane