U bood dhigaalka

Q.M Oo Daacish Ku Eedeysay Falal Ka Baxsan Banii’aadamnimada

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan  qaramada midoobay oo qaabilsan dhanka xaquuqul insaanka ayaa  waxay sheegayaan iney heleen warbixinno ku saabsan  iney galeen falal-ka  dhan ah bani aadanimada  ururka daacish xilli ay ku sii dhawaanayaan ciidamada dowladda ciraaq magaalada mousil.

Mid ka mid xaaladaha  ama dhacdooyinka guracan oo ay geeteen Daacish ayaa warbixinnada waxay sheegayaan iney dileen saddex haween ah iyo saddex  caruur ah , ka dib markii ay ugaarsanayeen xubno ka tirsan qoyskaan iyagoo ku qasabay iney ka guuraan magaalada Mousil una guuraan meelo ka le oo ka baxsan magaalada, qaramada midoobay ayaa ku waramaayo in falalka guracan oo ay ku dhaqmayaan daacish ay xoojineyso cabsida laga qabo in dadka rayidka ah ay gabaad ka dhigtaan ama ay adeegsadaan.

Ku dhawaad 30kun  ciidamada dowladda Ciraaq  dagaalyahano ka tirsan Kurdiyiinta  odey dhaqameedyo  Suniyiin ah iyo meleeshiyaad ka tirsan Shiicada , iyagoo gacan ka helaayo diyaaradaha  is baheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminaayo Mareykanka iyo lataliyaal dhanka ciidamada ah  ayaa waxay weerar ku qaadeen  magaalada Mousil  si ay gacant dowladda Ciraaq u soo gasho maalmo kooban  howlgalkaan ayaa waxaa loo asteeyey 8maalmood oo qura.

Waxaa la filayaan inuu qaato howlgalka ka socda magaalada mousil  todobaadyo  haddeysan noqon bilooyin  in ka badan 3kun ilaa 5kun oo ka tirsan ciidamada isbaheysiga ayaa waxaa la aaminsanyahy iney ku suganyihiin gudaha magaalada Mousil.

Mgaalada mousil ayaa waxaa ku nool dad shacab ah oo tiradoodu  lagu qiyaasay 1.5 malyan  200kun oo qoyes  waa ay iska hayaamaan magaalada todobaadyada fooda nagu so ohayo waa sida ay sheegeyso qaramada midoobay.

Goobjoog News