U bood dhigaalka

Qaabkee Ayey Dhinacyada Isugu Diyaariyeen Dibad-baxa Khamiista?!

Sheeko:Amniga

Waxaa berri oo khamiis ah la filayaa in caasimadda Muqdisho lagu qabto dibad-bax lagu taageerayo hoggaanka ra’isul wasaare Rooble ee dhanka doorashada, loogana soo horjeedo Farmaajo, arrintan ayaa dhalisay in dowladda federaalka ah ay qaaddo tallaabooyin lagu baajinayo halka mucaaradka ay ku adkeysanayaan qabashadiisa, isna abaabuleen, taasi oo sababi karta iskudhac iyo dhiig daata.

Kulan ay talaadadii isugu yimaadeen hoggaanka maamulka gobolka Banaadir, oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Cumar Finish, uuna qeyb ka ahaa Farxaan Qaroole oo ah Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu amray in la joojiyo dibad-baxa iyada oo loo arkay fal-dambiyeed.

Afhayeen u hadlay gobolka Banaadir oo arrintan ka hadlay ayaa saxaafadda u sheegay “Mar haddii shirka madasha lagu heshiiyey, in Magaalada Muqdisho aysan u baahneyn dibadbaxyo, taasina ay tahay mid maamulka gobolka Banaadir uu uga digayo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan, in aysan ku kadsamin dadka la damacsan dhibaatooyinka horka leh, oo mar walba shaatiyada kala duwan usoo gishta in magaalada ay dhibaatooyin ay ka dhacdo, qofka doorasho daneynaya ha tageen deegaan doorashadooda si ay doorashada uga qeybgalaan”.

Dhankooda, guddiga Qaban-qaabiyeyaasha Dibadbaxa Khamiista  ayaa sheegay in ay rukhsad ka heystaan wasaaradda amniga, lagu muujiyo dareenkooda ku aadan hufnaanta doorashada, afgambigii Farmaajo, xad-gudubyada lagu sameynayo shacabka iyo arrimaha kale.

“Waxaa nahay dad si nabadgalyo ah raba iney ku dibadbaxaan, in aad diidaan sharci ma aha, ciidanka waa iney fuliyaan balanqaadkooda, shacabka sida nabada ah ku dibadbaxaya yeysan ka hor imaan, shacabka waxaa leenahay soo baxa, malaayiin qof hasoo baxdo, cid idiin caburin karo ama dhibaateyn karta malahan, wixii meesha ka dhacdo waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya qolada tiri lama bananaanbixi karo”.

Iyada oo labada dhinac ay sidaa isku heystaan ayaa waxaa maanta oo arbaco ah, qoraal soo saaray wasiirka amiga qaranka Cabdullahi Maxamed Nuur isaga oo ku amary taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir Farxaan Qaroolle inuu sugo amniga dibad-baxayaasha, waxaa uuna intaa raaciyey iney ogolaashiyou  heystaan bannaanbaxa, xaqna u leeyihiin sida uu qabo qodobka 20-aad ee dastuurka.

January 10, Waxaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku shiray dhammaan taliyeyaasha ciidanka sida SNA, Booliiska, Asluubta, NISA iyo qaar kale kale, waxayna ka hadleen in ay sugaan amniga ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan caasimadda. Kulankaas oo aysan tagin wasiirrda gaashaandhigga iyo amniga ayaa warar ku dhow waxaa ay sheegayaan in waxyaabaha ay ka hadleen ku jireen dibadbaxyada iyo in aan la aqbalin.

Khadbadda uu Farmaajo jiidiyey habeenkii talaadada kama fogeyn mid lagu diidan yahay dibadbax iyo mid lagu dajinayo dhalinyarada ka careysan maamulkiisa oo aan wax shaqaalo ah oo cusub qoran inta uu joogay, ayna u dheereed caburin.

Farmaajo oo farriin gaaban laga soo duubay waxaa uu yiri “Baraaruga dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dowladnimada, waa midka nagu dhiirigeliyey inaan ku aaminno hoggaaminta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo iney kaalin mug leh ku yeeshaan dowlad dhisidda, nabadeynta iyo ilaalinta danta guud, waxaan idiinu boorinayaa inaad dadaalkiina sii joogteysaan, kana fogaataan wax kasta oo caqabad ku noqon kara hiigsiga shacabka Soomaaliyeed iyo mustqablaka dalkeenna”.

Dhinaca kale, qoraal talaadadii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa lagu  booriyey ciidanka Soomaaliyeed iney dhexdhexaad noqdaan halka saacado kadib ay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka tiri “ “Doorashada Soomaaliya hal sano ayey jadwalka dib ugu dhacday, February 8, waxaa uu hal sano u buuxsamayaa Term-ka madaxweynaha, Mareykanka waxaa ay diyaarinayaan qaab laga maarmaan oo ay ku jirto xayiraadda fiisaha, oo ooga hortagayo dib u dhac kale iyo fal kasta oo meel uga dhacaya qiyamka hannaanka”.

Haddaba, waxaa naga xigta saacado uun dibad-baxa, waxaana muuqata in dowladda ku kala qeybsan tahay, halka mucaaradkana ay diyaar yihiin, lamana oga waxa xigi doona.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye