U bood dhigaalka

Qaadka: Maan-dooriye Ka Ganacsigiisa uu Keeno Eex iyo Musuq Gudaha iyo Qalalaaso Dibadda ah!

Sheeko:Amniga

Inkasta oo Mareykanka, Yurub iyo dunida inta badan qaadka loo arko maandooriye halis ku ah nafta iyo nidaamka dowliga ah hadana Soomaaliya waa u cunto, laga ganacsado, sidaa ay tahayna si la mid ah nolosha kale ee dowladnimada, suuqa qaadka ma ah mid cid weliba geli karto, iyada oo la naas-nuujiyo shakhsiyaad iyo shirkado gaar, xataa kuwaas musuqa iyo eexda ku hela, marka laga reebo canshuurta ay bixiyaanna, waxaa  lacag baad ah oo bille ah ama sanadkii ah ka qaada shakhsiyaad ka tirsan dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xilli dowladda federaalka ah gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ay sheegtay inuu suuqa furanyahay, loona tartami karo, hadana ma jirto meel lagu soo bandhigay shuruudaha, shirkado tartamay iyo kuwa la qaato intaba. Iyada oo suuqa qaadka oo ah mid madow, loolan xunna ka jiro dartii u adagtay in xogo madaxbannaan ama sax ah aad hesho,  hadana sidaa ay tahay baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay in labo shir keliya ay soo dejiyaan qaadka Hareeriga ee Itoobiya, iyaga oo qandaraaska ay heleen kadib markii la joojiyey qaadka ee Miraaga ee ka iman jiray dalka Kenya.

Qaar ka tirsan ganacsatada qaadka oo aan aragnay ayaa dood ka qaba sida loo maareeyey qandaraasyada qaadka Hareeriga iyaga oo nala wadaagay xogo muujinaya magacyada labo shirkad iyo shakhsiyaad ay leeyihiin waa loo xiray suuqa Hareeriga, marka canshuurta laga soo tago lacagta waxaa jira malaayiin doolar, oo ay  kooxda Hareeriga ku bixiyaan si (1). Suuqa ugu xirnaado (2). In ay marriin ah u helaan ilaa maamul goboleedyada, waxaa arrintan ka faa’ida siyaasiyiin iyo hey’ado amni.

Dhankiisa, wasiir maaliyadda xukuumadda federaalka ah Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo horraantii sanadkan ka hadlay in kooxo gaar ah u xiran yahay ganacsiga Hareeriga waxaa uu yiri“Jaadkaa Hareeriga ah cidna uma xirna, cid kasta oo doontaa waa ay soo degsan kartaa, waxaa looga baahan yahay qofkii arrinkaas galo inuu sharaciga qaato, rukhsadda qaato, canshuurta bixiyo”.

5-tii sano ee ugu dambeysay oo uu maamulka Farmaajo aad ugu dhowaanayey dalka Itoobiya, ologna la noqday ra’isul wasaarahooda Abiy Axmed halka shey ee la arko waa in qaadka Hareeriga Itoobiya la siiyey suuq ganacsi, malaayiin doolarna ay ka heshao Adis Aababa halka taa badalkeeda aaney Soomaaliya ku badalan wax ganacsi ah.

Mashruuca qaadka Hareeriga lagu keenayo Soomaaliya waxaa hormuud ka ah shirkado gacansaar la leh maamulka hadda jira, shakhsiyaadka la siiyey qandaraaska ayaa qeyb ka mid ah waxaa ay horay u geyn jireen Itoobiya kalluunka Soomaaliya.

Inta aan warbixintan ku jirnay waxaan ogaannay, qaad kale oo ka yimaada Kenya in la keenaa Soomaaliya, waxaana lagu keenaa Doomo,  iyada oo ay canshuuraan hey’adaha dowladda ah, laakin qeybyo kale oo hey’daha amniga ah ayaa ku ceyrsada jidadka Muqdisho, iyada oo loo arko sharci-darro, waxaana mararka qaar ka dhasha khasaaro leh naf iyo maal.

Inkasta oo aan ka hadalnay qaadka iyo loolankiisa gudaha dalka ah, hadana qaadka waxaa uu 40-kii sano ugu dambeysay  Soomaaliya ka ahaa mid siyaasadda ku leh saameyn, keliya ma aha in siyaasiyiinta iyo ciidanka gudaha ay ugu badan yihiin dadka cuna, laakin waxaa dalkeena geliyaa qalalaaso siyaasadda arrimaha dibadda ah. Maamulka hadda jira waxaa uu qaatay in Hareeriga Itoobiya uu ka doorbido Miraaga Kenya, halka aqoonyahan aan la sheekeystay ay ii sheegeen in sababa burburka dowladnimadaba uu qeyb ka ahaa markii uu Siyaad Barre mamnuucay Jaadka horraanka 1980-maadkii.

Dhibaatada kale ee Qaadka:

Qofka qaadka cuna waxay culimada cilmiga bulshada ku sheegaan mid go’doon ah, maan-doorsan, qaameysan inta badan, marka Soomaaliya la joogo keliya ma dayacaan naftooda iyo waxay dayacaan waajibaadka qoyka iyo midka qaranka.

Qaadka waxaa uu dhibaato dhaqaale ku yahay Soomaaliya, marka laga soo tago inuu maan-dooriye yahay. Inkasta oo sanadkii ugu dambeeyey aan tiro sax ah laheyn, hadana qoraallada rasmiga ah ee ugu dambeeyey waxaa ay sheegeen in maalintii la keeni jiray 15 diyaarad oo qiimo ahaan u dhiganta 400,000.

Sida ay dhakhaatiirta sheegayaan qaadka waxaa uu dhibaato caafimaad ku yahay ragga iyo haweenka, waxaa ka dhasha cuduro haliska, kuwa ugu fudud waa gaaska, lab-jeexa, dhiigkarka, wadno xanuunka iyo qaar kale.

Amniga, UN-ka waxaa ay ogaadeen in ka ganacsiga qaadka Soomaaliya uu qeyb weyn ka qaato maalgelinta iibsiga hubka iyo amni-darrada.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Goobjoog News