U bood dhigaalka

Qaadka Miiroga iyo Hareeriga oo Muqdisho si xor ah u imaanaya

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo jimca ahayd ogolaatay in dib loo bilaabo dhoofinta qaadka miiraha ee Kenya waxayna ogolaatay in Kenya Airways ay dib u bilawdo duulimaadyadeedii, kadib heshiis ay kala saxiixdeen Muqdisho iyo Nairobi.

Go’aankan ayaa ka dhashay kulan magaalada Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay i  uu diyaar u yahay hagaajinta xiriirka saaxiibtinimo ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyey inay dib u furaan xuduudka dhulkooda oo xirnaa in ka badan toban sano .

“Waxaa jira wax badan oo na isku keeni kara intay na kala qaybin lahaayeen,” ayuu madaxweyne Maxamuud  yiri .

“Caqabadaha guud ee ina haysta kuma koobna argagixisada iyo abaaraha. Caqabado kale oo badan ayaa na haysta,” ayuu intaas hadalkiisa sii raaciyay.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada hoggaamiye ayaa mar sii horreysay lagu sheegay in qaadka laga dhoofiyo Kenya iyo kalluunka laga keeno Soomaaliya uu dib  loo bilaabi doono iyo dhammaan xiriirka ganacsi ee xukuumahadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Qaadka dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa si isku mid ah dalka loo keeni doona, xilli dowladdii hore ay shaqsiyaad gaar ah u xirtay.

Heshiiska ayaa sidoo kale ay labada dhinac ku sheegeen in ay ku jirto in dib loo furo duulimaadyada tooska ah ee Kenya Airways.

Codsiga Kenya Airways ee ahaa in ay bilowdo duullimaadyada Muqdisho ayaa ahaa mid la sugayay muddo sanado ah, waxaana Soomaaliya ay markii hore ku joojisay diidmo ka dhan ah xeerarka adag ee duullimaadyada Kenya ee Soomaaliya oo ay ku jiraan in Wajeer lagu hubiyo ammaanka dadka u safraya Kenya ee ka baxaya Muqdisho.

Farmaajo oo ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xumeyay xiriirka labada dowladooda kadib markii ay labada dhinac arrimo ay qaadka kamid yihiin isku fahmi waayeen.

Qaadka la keeno Soomaaliya ayaa dowladdii hore ay u xirtay ganacsato yaryar oo qaadka ka keenta dalka Itoobiya, iyada oo gebi ahaanba mamnuucday keenidda qaadka Miirooga ah ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda aqbashay go’aankii ay soo saartay maxkamadda ICJ ee Soomaaliya ay guusha ku raacday.

Xiriirka labada dal ee dib u soo noolaaday ayaa waxaa la filayaa in ay dhaqan geliyaan qodobadi ka soo baxay heshiiskooda.

Bisha soo socota ee August ayaa la filayaa in Kenya uu ka dhaco isbaddal siyaasi ah oo xukunka uu ka dago madaxweynaha hadda jooga ee Uhuru Kenyata.

Jimcihii, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la bilaabo bixinta fiisaha xushmadda leh ee dadka sita baasaboorka diblomaasiga ah, iyo sidoo kale warqadaha ka soo baxa wasaaradaha arrimaha dibadda iyo dhammaan waxyaabaha fududeynayo isku socodka labada dhinac.

Dadka kale ee sita baasaboorka adeegga waxay sidoo kale heli doonaan fiisooyin bilaash ah laakiin waa inay internetka ka codsadaan ka hor intaysan iman warqadaha wasaaradaha arrimaha dibadda.

Si kastaba ha ahaatee, dadka haysta baasaboorka caadiga ah waxay codsan doonaan fiisaha oo ay ku heli doonaan mudda  10 maalmood ah.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u balan qaaday in uu dib u soo celin doonno dhammaan xiriiirada xumaaday ee dalalka aya Soomaaliya saaxiibka la tahay, waxaana uu safaro ku tagay dalalka Imaaradka, Turkiga iyo Kenya.

Goobjoog News