U bood dhigaalka

Qaadkii Ugu Badnaa oo Maanta Lagu Gubay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Qaadka  ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay  fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah.

Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay qaadka

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka maadaama lala dagaalayo Cudurka COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faafitaanka COVID19.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Ammaanka ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka, iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda.

Goobjoog News