U bood dhigaalka

Qaali Guhaad: Farmaajo, Fahad iyo Kuwii Gabadheyda Dhibaateeyey Ayaa Ka Soo Shiray Waxaan, Mana Aqbaleyno

Sheeko:Amniga

Hooyada dhashay Sarkaalad Ikraan Tahliil ayaa ka hadahsya jawaabta natiijada baarista ah ee sida horudhaca ah u shaaciyeen xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay marxuumadda ayaa sheegtay in natiijada la soo bandhigay ay tahay mid ay soo abaabuleen dadkii la eedeeyay.

“Farmaajo, Fahad iyo kuwii gabadheyda dhibaateeyey ayaa ka soo shiray waxaan, mana aqbaleyno, umada Soomaaliyeedna kuma qanceyso, intii gabadheydu maqneed ayaa laga soo shaqeynaayey beentaan,” ayey tiri Qaali.

Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sidoo kale sheegtay in galka dacwadda gabadheeda uusan shaqo ku laheyn gacantana ku haynin xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda kaas oo shalay ku dhawaaqay natiijada.

“Xeer ilaaliyihii dacwada iga qoray ee galkeyga gacanta ku hayey ma ahan ninka galabta dhawaaqay, ninkaan waxaa soo adeegsaday Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis, ma aqaano, waligeyna wax uma dirsan,”ayeey tiri hoyo Qaali.

Hooyada dhashay sarkaalada Ikraan Tahliil ayaa sheegtay in gabadheeda Soomaaliya ay cadaalad uga weysay, waxa ayna xustay in garsoorka uu yahay mid la isku awood sheegto.

“Nimankii gabadheyda dhibaateeyey ayaa lagu leeyahay waxay soo baareen, wax ka jira maleh, waa meel la isugu xoog sheegto,” ayeey tiri Qaali Maxamuud Guhaad.

Maxkamadda ayaa sheegtay shalay in baaris lagu sameeyay dhamaan cadeymihi ay soo bandhigen taliska NISA, balse haba yaraate wax dambi la lagu waaye dhamaan tuhun sanayaasha.

Goobjoog News